SOOKOOBIDDA BUUGGA CAGAARAN 

(The Green Book) 

Buuggan waxa qoray hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya Mucammar Al-qaddafi taarikhdu marka ay ahayd 1975-kii. Qaddafi waxa uu qoray dhiganayaal kale oo uu kaga hadlayo kuna cabirayo falsafadiisa siyaasadeed iyo tan gayiga waddamada carabta. Lakiin buuggan Cagaaran ayaa ah ka ugu caansan madaamo uu ku jiray kaalinta dastuurka dalka Liibiya.

Buuggan  ayaa waxa lagu shabbahaa buugga cas ee uu qoray Mao Zedong kaas oo talada dalka shiinaha hayay mudadii u dhaxaysay 1949-kii ilaa 1976-kii. Labadan hogaamiye ayaa hab-dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaanba isaga ekaa wax badan, waana sababta labadooda buug isu shabbahaan.

Qaddafi waxa uu buuggan ku faaqidayaa siyaasadiisa hogaamineed, dhaqaale iyo habka uu rabo in bulshadiisu noqoto, isaga oo taas ka duulaya ayuu buuggan waxa uu u kala qaadayaa saddex cutub oo mid walba taabanaya saddexdaa arimood.

Tusmada  Buugga 

1.Xalka dimoqraadiyadda

2.Xalka dhibaatooyinka dhaqaale

3.Fahanka dhibaatooyinka bulshada.

Hormada kowaad: Xalka dimoqraadiyadda

Buugga waxa uu ku bilaabayaa qaabka iyo hanaanka xal loogu heli karo dhibaatada joogtada ah ee maamul xumada. Qaddafi waxa uu sharraxay in nidaamka dimoqraadiyadda ee maanta dunidu ku faantaa inuu ahaa hididiiladii bulshooyinkii hiigsan kari waaaya hogaanka ee la daalaa-dhacaayay hogaan xumida suldaamada iyo boqorada.

Waxa uu bayaaminaya in nidaamka barlaamaniga ah ama in bulshada ay doorata qof matalo uu dhabar-jab ku yahay dimoqraadiyadda, waxa uu ku eedaynayaa in nidaamka barlamaanigu ahayn mid ku salaysan wada tashi iyo in bulshadu si wadajir ah uga qayb-qaadato talada dalka.

Waxa uu tusaalayaal badan u soo qaadanayaa in dimoqraadiyaddu ahayn matalaad oo doorashada xildhibaano ama lahaanshaha xisbiyo aanay ka  turjumayn dimoqraadinnimada dal.

Sababaha uu uga soo horjeedo nidaamka barlamaaniga ah ayuu qoraagu ku sookoobaya afartan qodob;

  1. Midda kowaad waxa uu ku tilmaamayaa in xildhibaanku sharci ahaan bulshada oo dhan matalo ee aanu dadkii soo doortay ama deegaankii laga soo doortay oo qudha matalin taas oo beeninaysa odhaahda ah xildhibaankii aad dooratay ayaa ku matala.
  1. Waa ta labbaade xildhibaanku waxa uu taagan yahay oo markasta matalayaa xisbigiisa e, uma taagna dadkii soo doortay taas oo burinaysa iyana in xildhibaanadu u taagan yihiin danta bulshadii soo dooratay.
  1. Sababta Seddexaad ee uu dhaliilaayo ayaa ah in dadka isu soo sharaxa jagada xildhibaannimada ay yihiin dad hanti ama magac leh taas oo beeninaysa in qof walba isa soo sharixi karo, taa cagsigeeda waxa ay xoojinaysaa fikirka ah nimaan hanti lahayne hogaanka ma qaban karo iyo in aan loo sinayn maamulka iyo hogaanka dalka.
  1. Ugu danbayn waxa uu sheegayaa in hanaanka doorashadu yahay mid isku halayntiisu yar tahay madaama musuq,  laaluush iyo been ragaadiyeen.

Marka laga yimaado baarlamaanka iyo nidaamka doorashada xildhibaannada waxa uu Qaddafi ku dheeranayaa in nidaamka xisbiyadu yihiin mid aan ka duwanayn ka barlaamaanka, madaama hirdanka ka dhaxeeyaa xisbiyadu ay kenaan muran iyo mashaqo joogta ah.

Waxa uu tilmaamayaa in ay marag ma doonto tahay in markastaba mucaaradku farta ku fiiqo muxaafidka oo wixii eeda oo dhan ah uu dusha ka saaro isaga oo ujeedadiisu tahay in uu dadweynaha ka dhaadhiciyo in xisbul xaakimka  u qalmin ama aanu  ku habboonayn talada dalka. Hirdankaas ka dhaxeeya axsaabtuna waxa uu keenaa in ay ka leexdaan danta dadweynaha sida qoraagu aaminsan yahay.

Qaddafi waxa uu ku sii dheeranayaaa in tiirarka dimoqraadiyadda ee sida warbaahinta iyo aftidu yihiin dabaro bulshada lagu dabraayo isla markaan xoriyadooda lagaga qaadayo aanay tusaale u noqon karin dimoqraadiyadda.

Qaybtan ugu danbaysa hormadan waxa uu ku sheegayaa in xalka ugu wanaagsan ee dimoqraadiyad  dhammaystiran lagu gaadhi karo ay tahay in bulshadu dhexdeeda iska abaabusho guddiyo, kuwaas oo ka bilaabma heer degmo u sii fidana heer dal, nidaamkan ayuu ku tilmaamayaa in uu yahay mid jaanis siinaaya in muwaadin kasta oo dalka ku nool  ka qayb noqdo talada dalka. 

Hormada labaad: Xalka dhibaatooyinka dhaqaale 

Qaddafi waxa uu ku sharraxayaa cutubkan in dhibaatada dhaqaale iyo hagardaamooyinka nololeed ee sida saboolnimada, kala sarraynta iyo sicir bararku ay salka ku hayaan in dadka xoogsatada ahi aanay haysan xoriyad dhaqaale. 

Waxa uu tilmaamayaa in dunida qarniyadan ugu danbeeyay laga gaadhay horumar la taaban karo dhanka xuquuqda shaqaalaha laakiin ilaa hadda aan xal loo helin dhanka nidaamka mushahar qaadashada. Nidaamkan oo keenaaya in dadka xoogsatada ah helaan wax ka yar oo aan u qalmin tacabkoodii isla markaana dabooli karayn baahiyahooda asaasiga ah.

Waxa uu tusaale usoo qaadanayaa in hantida dunidu dad gaar ah ku kooban tahay taasina ay u tahay caddayn in dadka taajirintii ay haystaan hantida dadweynaha.Si loo yareeyo dabaqadaha isla markaana dadka xoogsatadu u helaan isku filnaasho dhaqaale waxa uu xalka u arkaa in qof walba helo guri iyo gaadhi isla markaana uu ku shaqeeeyo lacag dabooli karta baahiyihiisa.

Saddexdan arrimood ayaa ahaa xaq uu qof walba oo Liibiyaan ahi lahaa intii uu Qaddafi hogaamiyaha ka ahaa dalka Liibiya madaamo uu arkaayay in sinaanta dhaqaale ee muwaadiniinta tahay bar bilawga horumar dhaqaale.

Hormada saddexaad:Fahanka dhibaatooyinka bulsho.

Bulsha walba waxa ay leedahay qiyam u ah rukumo ay ku taagan tahay isla markaana laga ma marmaan u ah jiritaankeeda si uu taas inoogu iftiimiyo ayaa waxa qoraagu soo qaadanaya muhiimada ay leedahay in la helo qoys iyo qabiil dhisan si loo helo qaran iyo bulsho dhisan.

Seddexdan dabar ee bulshada isu haya iyo saamaynta togan ay ku leehiyihin horumarka dhaqaale iyo siyaasadda haddii aya hagaagaan ayuu ku sharaxayaa buugga.

Dhanka kale waxa uu diirada saaraya sinnaanta ragga iyo dumarka iyo kaalinta mid walba bulshada ku leeyahay. Qaybtan waxa uu qoraagu is barbar dhigayaa nidaamka reer galbeedka iyo sida uu isagu aaminsan yahay, taas oo uu ku muujinayo in uu taageersan yahay in ragga iyo dumarkuba ay shaqeeyaan oo bulshada horumarkeeda kaalin ka qaatan iyadoon la hilmaamayn kaalinta kowaad ee dumarku in ay tahay korinta ubadka iyo barbaarintooda. Haddaba si taas loo gaadho Qaddafi waxa uu sheegayaa in haween kasta oo hooyo ah ay laga ma marmaan tahay in ay uhesho fursad ay shaqada kaga fadhiisato inta ay u heelan tahay korinta ubadkeeda isla markaana ay muhiim tahay in ay hesho shaqo naasibaysa nafteeda iyo jidhkeeda.

Qaddafi waxa uu buugga ku soo gababeenayaa muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam waxbarasho oo tayo leh isla markaana naasibaya qof walba iyo muhiimada in qof walba oo liibiyaan ahi qayb ka noqdo siyaasada, horumarka dhaqaale iyo dhisidda bulshada.

Qalinkii:Najah Khader

Comment (1)

  1. A WordPress Commenter
    May 24, 2023

    Hi, this is a comment.
    To get started with moderating, editing, and deleting comments, please visit the Comments screen in the dashboard.
    Commenter avatars come from Gravatar.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *