
Buuggan ummadaha jirraban waxa uu maktabadaha iyo Afka Soomaaliga ku soo biiray sanadii 2021, waxaa buuggan afnaqay Aadam Baciid. Asalka buuggana waxaa qoray oo leh Dr. Kariim Darwiish.
Sikooban haddaan u eegno an iswaydiino waa kuma Dr. Kariim Darwiish? Dr kariim waa cimi-baadhe ku xeeldheer cilmiga Computer-ka , iyo cilmiga Aadanaha. Waa aqoonyahan haysta ama diyaariyey takhasusyo kala duwan sida Cilmiga koombiyuutarka, Cilmiga bulshada, Cilmiga kasmo nafeedka, iyo Afafka.
Macaga buugga.
Waxa aad u cajiiba qoraagu sida uu ula helay buuggan magaca kaas oo toos u waafaqay waxa uu buuggu ka hadlaayo.
Sida idiin muuqata ee aad ka dhadhansanaysaan magaca buugga waa “UMMADAHA JIRRABAN” waa ummadaha dhibataysan ee la dhibtoonaaya hagardaamada, dhibta, dhaxal wareega, dabinada, iyo silica iyo saxariirka kelitaliska. Waan ognahay meel uu kelitalis talada ummada maroorsaday uu haysto sida ay u ekaanayso, suurada iyo sowraca ay yeelanayso.
Kelitalisku maaha wax inagu cusub oo aynu maanta baranayno, balse waa soo jireen aynu taariikhda ku aragnay kuwaas oo qaarkood heerka ay kibir ka gaadheen sheegtay illaahnimo, ummadana ka dhigtay adoomo iyaga caabuda. Heer ay ummadu noqotay kuwo diin ahaan, qiyam ahaan, qiime ahaa, akhlaaq ahaan iyo isir ahaanba u baaba’ay. Waxaas oo dhana waaba astaamaha hagardaamo ee kelitalsika lagu yaqaan.
Tusmada buugga.
- Habdhaqanka kelitalisnimada
- Danaha kelitalisnimada
- Hababka loola dagaalami karo.
Si guud buugga Ummadaha Jirraban waxa uu ka kooban yahay saddexdan hormo kuwaas oo leh ciwaan hoosaado aad u xiiso badan oo uu qoraagu ku qaadaadhigaayo dhibaatada iyo hagardaamada uu kelitaliyuhu ku leeyahay ummadaha. Waxa uu kaga hadlayaa buugiisan sida uu u gumeeyo ummadaha kelitalisku. Qoraagu waxa uu buuggan si quman ugu soo bandhigay dhibtaa kelitaliska ee baahsan iyo sida looga bixikaro. Waxana uu keenayaa xalal wax ku ool ah.
Qoraagu hormada koowaad ee buugga waxa uu ku xusayaa waxa uu yahay kelitalisku, dhibtaatooyinka uu makansiiyo ummada uu xukumaayo, qaab-xukunka, marjiciyada, Kelitalisnimada qof ahaaneed iyo tan koox ahaaneed, Saamaynta kelitalisnimadu ummadaha ku leedahay, qoraagu waxa kale oo uu soo qaadanayaa wadamo badan oo uu halakeeyey aafada kelitalisku iyo qodobo kale oo badan.
Waa kuma keligii taliyuhu?
Dr. A.raxman AL-Kawaakibi wuxuu ku sharaxay “ Kelitalisnimadu waa ku takrifalka awoodeed ee qof ama kooxi ay si badheedha kula kacaan xuquuqda bulshadda iyaga oo aan wax baqdin ah ka qabin cid kale oo dabagasha ama ka saraysa”.
Marjiciyada.
Marjiciyadu “waa xeerar sugan oo lagu maamulo, laguna hago bulshooyinka”
Bulshooyinku waa ku kala duwan yihiin adeegsiga marjiciyada. Waxayna u kala qaybsamaan lab qaybood.
- Saraynta sharciga
- Awood meel ku urursan.
Suldadu (Qaab-xukunka)
Suldadu (Qaab-xukunka) waa awooda lagu kala maareeyo taas oo waafaqsan marjaciyadda iyo sharciga ama u hogaansanaata qofka ay taladu ka go’do.
Kelitalisnimadda qof ahaaneed iyo tan koox ahaaneed!
Kelitaliyuhu wuxuu noqon karaa hal qof ama koox. Laakiin inta badan sida ay tahay wuxuu noqdaa koox isu bahaystay dano gaar ah oo ay heshiis ku yihiin. Isbahaysigaasi wuxuu ka koobnaan karaa dabaqada Aristocratic class.
Aristocratic class.
Qoladan qoraagu waxa uu ku tilmaamayaa inay yihiin qolo ummadda magac, sharaf, milgo iyo maamuus ku dhex leh. Inta bada talada dalka waxa ay ku yimaadaan qaab dhaxal ah, dhaqaale, awood, dagaal IWM.
Saamaynta kelitalisnimadu ummadaha ku leedahay.
- Soobixitaanka dabaqad yar, taas oo ka faa’iidaysa maamulka jira.
- Korodhka saboolnimada iyo jahli bulshada ku baaha, iyadoo isbahaysigaasi ku tumanaayo akhlaaqda bulshada.
- Hoosudhac joogto ah oo ku yimaada tayada haayadaha dawlada.
- Tayo la’aan iyo dayac ku yimaada kaabayaasha dhaqaalaha
- Dagaalo sokeeye
- Caddaalad darada oo badata.
- Boobka iyo ku tagrifalka awoodda.
- Ugu dambayn nidaamka dalkaasi wuxuu noqdaa mid fashilma.
Qodobada qoraagu soo bandhigayo, wadamada tusaalaha u ah ee latiicaaya dhibta uu huwiyey kelitalisku waa badan yihiin waxaadna ugu tegaysaa isla hormada koowaad ee buugga.
Hormada labaad (2aad)
Hormadan waxa uu qoraagu kaga hadlayaa “Danaha keli talisnimada”. Ujeedooyinka kelitalisku inta badan waa dheefta liidata ee isbahaysiga kelitalisku uu raadiyo. Haddaan qaab su’aaleed u dhigno waa maxay dheefta liidataa? Dheefta liidataa “waa helidda iyo urursashada hanti aysan dadaal ku bixin dhibna aysan u soo marin iyo inay hantiyaan maamulka bulshadaas si ay u ilaashadaan hantidii ay dhisteen”.
Danaha ugu waaweyn ee kelitalisku leeyahay waxa uu qoraa Dr kareem ku sheegayaa qodobadan iyo kuwo kale oo aad buugga ugu noqon doonto.
- Burburinta haybta iyo midnimada bulshadda: Waxay ugu baxaysaa in uu bulshada kala jebiyo oo ka dhigo kooxo iska soo horjeeda si uu uga hortago cudud shacab oo midaysan. Marka kasta oo uu arko shacabka oo isu sii dhowaanaaya waxa uu dhaliyaa dhibaato wareenta bulshada.
- Jaahiliyayeynta bulshada iyo fasahaadinta waxbarashadda: wuxuu aad ugu dadaalaa inuu ummada ka hor istaago aqoonta tayada leh, si uu u sii haysto xukunka. Taliskiisu inuu sii jirona waxa uu ku xoojiyaan inuu ummada jahliyeeyo si ay ukala saari waayaan waxa san iyo waxa xun.
- Saboolaynta bulshooyinka: Si uu ummada baahiyahooda umaamulo waxa uu ka qaataa hantidooda taas oo uu si shiqsi ah ugu adeegto. Waxa ugu badan ee uu kala dagaalamaana waa inuu ummada uu xukumaayo ka ilaaliyo dhaqalaha, waayo ummada marka ay yeelato cudud dhaqaale waxay awood u yeelan inay xoroobaan.
- Fasahaadinta diinta iyo qiyamka bulshada: Bulshada marka lagala dagaalamo diinta iyo qiyamkooda waxay noqdaan ummad qiyam ahaan iyo diin ahaanba hoogtay oo huruda.
Hormada ugu dambaysa (3aad)qoraagu waxa uu ku soo qaadanayaa “Sida looga gudbi karo kelitalisnimada”
- Tayaynta iyo kor u qaadidda hoggaamiyayaal ruuxi ah kuwaas oo ay bulshadu kusoo hirtaan si ay u qaadaan ama u hoggaamiyaan dagaalka isbeddelka.
- Tarbiyaynta hormuud isbeddel kuwaa oo ka duwan bulshada kale sida iimaan qotodheer, aqoon badan, xirfad, khibrad iyo tayo maaddi kuwaas oo leh awoodda odoroska, fahanka isbeddelka, dabeecaddiisa iyo heerarkiisa.
- Ladagaalanka jahliga iyo saboolnimada
- La shaqaynta bulshada si cuddooda loo mideeyo isla markaasna loogu xiro diintooda iyo qiyamkooda.
- Ugu danbayn hellidda awoodda uu u baahan yahay isbeddelku, hadday ahaan lahayn maadi, tiknoolijiyad, diin iyo dhowrsanaan.
Intaa ayeynu kaga hadhaynaa amaba ku soo afmeeraynaa sookoobida kooban ee aynu buuggan ku samaynay.
FG: waxa iga xasuusin ah buuggu inuu inta boqol laabkeed ka hadlaayo oo aanu ahayn inta aan halkan kugula wadaagay. Wixii intaa ka badan waxaad ugu laabataa buugga.
Salaama.
Muuse Maxamed Cismaan