
SOOKOOBIDA BUUGGA DIB U NOOLAYNTA RAJADA
Buugga Dib u noolaynta rajada waxa la qoray sannadkii 2013-kii, Buuggan waa buug ku qoran af-ingiriisi sidaas daradadeed magaca buuggu asal ahaan waa Keeping hope alive, se waxa aan u adeegsaday magaca Dib uu noolaynta rajada madaamo aan qormadan ku qorayo af-soomaali.
Buuggani waxa uu ka mid yahay buggaagta fara ku tiriska ah ee laga qorey dadka magaca iyo meqaamka ku leh bulshaweynta Soomaaliyeed, lana qoray intii ay noolayeen, isla markaana uu qoray qofkii taariikh nololeedkaa lahaa.
Buuggan dib u noolaynta rajada waxa uu ka hadlayaa taarikh nololeedkii Digtoor Xaawo Cabdi oo ah haweenay Soomaaliyeed oo dadkeeda hoo iyo hiilba la hareer taagnayd intii ay noolayd.
Xaawo waxa ay ka mid tahay dadka tirada yar ee saamaynta weyn ku leh dalka Soomaaliya, madaamay noloshaydi ku dhammaystay u adeegidda ummadda Soomaaliyeed, waxa ay dadaal xooggan ugu jirtey daryeelidda iyo dayac tiridda dadka tabaalaysan intii ay ahayd samafalaha iyo dhakhtaradda ka hawl gasha waddanka gudihiisa.
Taarikh ahaan waxa ay dhalatay 1947-kii, waxa aynu ku barbaartay kuna hanaqaaday magaalada Muqdisho halkaas ay ka bilawday hayaankeedi waxbarasho. Xaawo waxa ay iyadoo yarba madaxa saaratay reerkooda waxa ay xil iska saartayna korinta walaalahayd madaama iyadoo yar hooyadeed dhimatay. Dhimashada iyo umul aroorida hooyadeed waxa ay ku abuureen hammiga in ay dhakhtarad noqoto oo dadka baahan ay caawiso.
Xaawo aabaheedna wuxu ku ababiyay in sida wiilka oo markaa soomaalida dhexdeeda aad looga ciseyn jirey in ay u ciidamin karto oo ay cilmiga ay doonta baran karto.
Iyadoo taasi jirto ayaa haddana xaawo waxa lagu daray nin ay hooyadeed isku reera ahaayeen, waxa ayna dhib weyn ka qabsatay aqbalidda fikirka in ay xaas noqoto iyadoo da’ yar iyo in iyadoo dhalaan ah ay hooyo noqoto isla markaana ay aragto xanuunka haweenay Soomaaliyeed oo fara badan soo wajaha xilliga foosha iyo dhibta ka qabsata dhalmada marka ay dhibane u yihiin gudniinka fircooniga ah.
Xaawo dhimashadii ilmaheeda iyo ku kaliyoobidda nolosha ma ay dhantaalin geedi socodka nolosheeda, garabkii hooyo iyo ayeeyo ee ka baxayna may ay niyad-jabin ee waxa ku dhiiri-galiyeen in ay qof adag oo nolosha waajihi kara noqoto.
Hal-adayga ay lahayd awgii waqti yarba waxa ay ku soo koobtay waxbarashada asaasiga ahayd ,waxa ay isla markaana deeq waxbarasho ka heshay midawga soofiyeet halkaas oo ay barashada cilmiga caafimaadka ka bilawday jaamacad ku taala dalka Yukrayn.
Xaawo marka ay saas usoo afmeertay waxbarashadeed waxa ay ku soo gurya noqotay Soomaaliya halkaas oo ay ka shaqa gashay cisbitaalka Digfeer, kana ahayd haweenka fara ku tiriska ah ee cisbitaalada Soomaaliya ka hawl-gali jiray xiligaas.
Kartida iyo hawl-karnimada Xaawo waxa ay ku dhaliyeen in ay bilawdo kuliyada xuquuqda si ay udhacsato xuquuqdeeda shakhsiyeed, marka ay aragtay xaaladda ka jirta waddanka, oo ahayd mid werwer galinaysay qof kasta oo indheer garad ah, intaas un kuma ay joogine waxa ay ka noqotay bare jaamacadda ummadda Soomaaliyeed halkaas oo ku tababartay gacanteeda kumanaan xirfadlayda caafimaadka ka mid ah oo imika daafaha dunidada ka hawl-gala.
Sannadu marka ay ahayd 1975kii Xaawo waxa ay umushay inanteedi curad , labo sano ka dibna waxa bilaamay dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya u dhaxeeya oo sababay isbedel siyaasadeed iyo xiisad ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Midawga Sofiyeet oo sababay in xidhiidhkoodi xumaado oo xadhkuhuna u go’aan.
Mudadaas Xaawo waxa ku abuurmay xiisaha ay u qabtay hoy magaalada ka baxsan oo baad iyo beero leh , waxa ay bilaawdeyna u hawlgalista qaabkay ugu guuri lahayd degaan shabbaha halka ay ku soo kortay ee lagu soo ababiyay.
Waxa ay indhadhaysaba oo baadigoob ugu jirtaba goob degaan wacan isla markaana daganaan leh, Xaawo waxa ay u guurtay Afgooye halkaas oo ay ka asaastay dhakhtar ugaar ah , subaxdiina ay kasoo shaqo gali jirtey oo ay iman jirtey Muqdisho oo jirta 30 km.
Waxa ay sidaas ahaataba oo Xaawo u adeegto bukaanada dhalaanka iyo hooyada u badan , waxa dalka ka aloosmay dagaal u dhexeeya shicibka iyo dawladda oo markii danbe isu bedelay dagaal sokeeya, mar qudhana waxa is bedelay hab nololeedka dadka ku noola Soomaaliya.
Bukaanadii Xaawina waxa isu bedelayn qof la toogtay, qof gaadhi la jiidhsiyay, qof la jidh dilay iyo gabadh la kufsaday, waxa aanad filanayn iyo falaadhba wa ay ka nixiyaan, waxa mar qudh waddanku ku habsaday mashaqo culus iyo colaad aan dhammaad lahayn.
Buugga waxa aad kaga dhuganaysaa hab-dhaqankii hogaamiya kooxeedka Soomaaliya ka dagaalami jiray ha ugu horreyaan kuwii ay kala hogaaminayeen Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed iyo sida ay horraantii dagaalkaba Muqdisho waqooyi iyo koonfur ugu kala qaybiyeen.
Xaawo waxa ay si gaar uga sheekenaysaa in dhalinyarada magaca qabiilka ku dagaalamaysay ay lid ku ahayeen samaan dhammaanteed iyo sida weeraro ugu soo qaadi jireen cisbitaalkeeda iyago ciyaal, ciroole iyo cidna ka dhawrsanayn islama markaanana nafteeda , ta ciyaalkeeda iyo ta dadka halkaa ku noolba halis gelin jiray.
Waxa ay ku xusaysaa buugga sheekaba sheekada ay ka murugo badan tahay iyo waayihii qadhaadha ee Soomaaliya, waxa ay ka sheekeneysa sida ay goob joog ugu ahayd hooyo dilaysa ilmaheeda, askariga gadoosan oo aan cidna dhaafayn iyo aafada qabiilka.
Waxa ay ka sheekenaysaa sida wixii aynu wada lahayn ee aynu dhisanay uu qof walba uxalaalsaday ee dano gaar ah ugu adeegsaday waxay qalinka ku xariiqaysa dadka Soomaaliyeed sida ay wadaniyadu uga maqan tahay ee halaagi ka dhacay waddankeena ay u horseedeyn.
Inta aad buugga akhrinaysid waxa aad bog walba ugu tagaysaa dhacdooyinkii qadhaadha ee waqtigaa dhacayay, waxa aad dareemaysa waxa ay xaawo dareemaysay, waxa aad iswediineysaaa fal-calinta aad samayn lahayd haddi aad booska xaawo ku jirto.
Waxa aad kaga boganaysaa buugga sida ay Xaawo u ahayd qof hal-adeeg leh oo waddaniyad leh, waxa aad dareemaysa oo aad u udhawaanaysa rajadad iyo niyad-jabka labada, waxa aad la daris noqoneysaa inta aad buugga akhrisanaysoo dareemo isku dhafan oo murugada iyo mashaqadu ugu horreeyso , kuna xigaan colaada iyo cunfiga waxa aad hilmaamayn iyagana dareemada rajada iyo rayraynta ee ay xaawo dareemayso inta ay wado hawsha badbaadinta iyo badhatiirka barkacayaasha dagaalka.
Xaawo waxa ay qalinka ku duugaysa dhibaatada macaluusha ee ay sababayn abaaraha Soomaaliya ka dhacayay, sida biyo la’aanta iyo baad la’aantu u hagardaamiyeen nolosho bulsha weynta Soomaaliyeed iyo sida malashiyaad beeleedku ugu noqdeen laf dhuun gashay deeqihii la soo gaadhsinayay dhibanayaasha dagaalka.
Xaawo waxa ay sidoo kale u soo joogtay asaaskii iyo bilawgii maxaakiimta oo ahaa kacdoon ku salaysana diinta iyo dhibta ay kooxahaasi geesteyn iyo sida magaca diinta ugu adeegsadeyn danahooda isla markaana dabar uga dhigayn bulshada. Waxa ay ka sheekenaysa dhibtii ay ugaysteen madaama kooxahaasi kasoo horjeedayn in gabdhuhu shaqa galaan oo booska maamulka qabtaan iyo hanjabaadihii gaadhay gacan ka hadalka ee nafteeda soo gaadhay.
Marxalad walba waa laga gudbaa , rajaduna ma dhimato inta aadami nool yahay, maanta cisbitaalkii Xaawo cabdi ama degmada Xaawo Cabdi waa goob ay kusoo hirtaan dadyaw fara badan isla markaan dad 90.000 oo qof kor udhaafaya u adeegay. Adeegaas ha ahaado mid caafimaad, mid waxbarasho iyo mid kaleba. Xaawana waxa ay astaan u tahay hal-adayga iyo waxa ay haweenayda Soomaaliyeed qaban karto.
Mudadii ku dhawayd nus qarniga ee ay u adeegaysay dadkeeda waxa ay sidoo kale haga nololayd u ahayd labadeeda hablood oo hayaankeedi raacay. Deeqo iyo Aamina waxa ay garab u ahayeen hooyadood intii ay waday hawsha samafalka.
Sannadii 2010-kii waxa ay ku guulaysatay Xaawo abaal marinta haweenayda sannadka taas oo ay soo qabanqaabisay jariirada Glamour , waxa ay sidoo kale ku guulaysatay abaal marino kala duwan se ma aha qof abaalkeeda ummadda Soomaaliyeed gudi karto waayo waxa ay qabatay waxa in badan qaban kari waayeen
Qalinkii:-Najah Khadar