Buuggan waxa uu ka dhashay maqaalo la ururiyey oo soo bixijiray inta badan jimcayaasha. Waxaana si farshaxanimo leh innoogu qoray aqoonyahan, qoraa Muxammad Yuusuf, oo ah qoraa soomaaliyeed oo qoray dhiganayaal dhowr ah, sida Nuun, Dameeri dhaanraacday (Tarjumid), Dab iyo dhagax , iyo  Ergey. 

Buuggan waxa uu qoraagu ku soo bandhigayaa dhibaatada ay gaalaysiintu ummadda islaamka ah gaadhsiisay. Wuxuu si doo kale xasuusteenna dib ugu celinayaa halka ay ka soo bilaabantay in qof islaam ah lagu tilmaamo in uu gaal yahay oo dhiigiisa, cirdigiisa iyo maalkiisa lagu banaysto. 

Buuggan waxa uu ka kooban yahay 5 Hormo oo kala ah;

  1. Hormada 1aad. Duninta derbiga
  2. Hormada 2aad.  Hoobad 
  3. Hormada 3aad.  Kalmadda Laa illaaha illallaah,
  4. Hormada 4aad. Tusbax furmay
  5. Hormada 5aad. Ooda dhacameed

Hormada 1aad. Duminta Derbiga 

Qaybtan waxa uu qoraagu kaga hadlayaa dhacdooyin dhacay oo ka hor islaamka oo ay kamid ahaayeen abaaro dhacay, waxa kale oo uu kaga hadlayaa bilowgii islaamka, xaaladihii uu soomaray, soo bixitaankii Nebi Muxammad SCW, qaabkii ay saxaabadu u qaabishay, hijrooyinkii nebiga, sidii saxaabadu ay khilaafada ugu kala horeeyeen iyo dagaaladii uu nebigu galay ee xaqa lagu iftiiminaayey. Qoraagu wuxuu aad ugu dheeraanayaa sidii saxaabadii nebigu ay ugu kala dhowaayeen ee ay nebeiga naf iyo maalba ugu hureen fidinta diinta islaamka iyo saraynta kelimatu tawxiid. Waxa tusaalayaal nool uu u sooqaatay Cali, Cusmaan, kaalmihii muga weynaa ee uu kaga jiray fidinta diinta islaamka.  

Waxa kale oo muhiim ahayd kaalintii balaadhnayd ee Cusmaan qaatay. Markii Muhaajiriintiii ay Madiina taageen waxaa ku adkaatay in ay cabbaan biyaha magaalada mana aysan awoodayn in ay iibsadaan biyaha ka yimaada ceelka macaan, nasiib wanaag Cusmaan ayaa ceelkii iibiyay ugana dhigay waqaf. Sidaa si lamida, duulaan kii Khaybar kadib Cusmaan waxa uu hantidiisa ku iibiyay dhul si loo balaadhiyo masjidka.

Qoraagu waxa uu ku soo gabagabeeyey qaybtan; “Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalana kuuma geyso.”—Gaaleysiinta Muslimiintu dadkana waa ay kaa dhex saartaa, adduun iyo aakhirana waxba lagama dheefo aan dab iyo dhibaato ka ahayn. Ka reebtoonoow gaaleysiinta dadka ashahaadanaya.

Hormada 2aad.  Hoobad 

“Kabbashada cilmiga gaaban waa lagu kadeedmaaye.” 

—Muuse Cali Faruur.

Qaybtan labaad qoraagu waxa uu ku fallamagurayaa dhibtii iyo kala firidhkii dhacay ummaddii muslimiinta markii la dilay Cusmaan. Waxa dilkii Cusmaan ka dib waxa sii joogtoobey oo tusbax furmay noqday gaalaysiinta iyo kala firidhka dadkii muslimiinta ahaa. 

Dilkiisa Cusmaan ka dib Cali ayaa khaliif noqday. Muslimiintuna waxa ay u kala jabeen qaar yidhaahda Cusmaan ayaan u aareynaa iyo qaar diida. Shaam oo Mucaawiye RC ka talinaayey illaa xilligii Cumar RC, aad baa looga gubtay wixii dhacay, dadkiina dagaal baa lagu guubaabiyay, waana ay diideen in ay ka amar qaataan Cali oo haa khaliifka. Cali waxa uu goostay in uu Shaam iyo Mucawiyo ku duulo maadama ay ka amar diideen. Koox kale oo Caa’isha RC ay hogaamineyso ayaa u kicitimay Basra si ay ciidan u uruursadaan oo ay dagaal ku qadaan kuwii  Cusmaan dilay. Cali RC waxa uu go’aansaday in uu Basra dhankeeda u leexdo  inta uu Mucaawiya iyo Shaam aadin. Dagaal ba’an ayaa dhacay. Dhan waxaa hoggaaminaaya Cali RC, dhanna hooyadii Mu’miniinta Caa’isha bintu Abii Bakar RC oo ay weheliyaan Subayr RC iyo Dalxah RC.

Ugu dambayn Cali ayaa gacansarreeyay, Caishana gurigeeda ayaa loo soo celiyay. Cali RC iyo Caa’isha RC labaduba aad ayaa ay uga xumaadeen musiibada dhacday, waxaana la sheegaa in Cali wiilkiisii Xasan ku yidhi: fiicnaan lahaydaa in aabbahaa mar hore dhinto! Xasan waxa uu yidhi: waan kuu digay imana aadan dhegaysan. Taas oo Cali kaga jawaabay: isma lahayn halkanay gaadhaysaa arrintu! “Dab munaafaq shiday baa la yidhi, duul dhan buu gubaye,”. —Cali Cilmi Afyare.

 Fidnada bilowgeedu dadka waa uu indhatirtaa waana dhegatiraa. Hadhow baa la wada dhahaa: maxaa nagu watay! Dalkeenna dagaalkii sokeeye ee ka dhacay, wixii dil, kufsi, dhac, burbur,… ka dhashay, cidna xisaabta kuma darsan markii Siyaad Barre in la beddelo qorshuhu ahaa. Ciraaq, Suuriya, Liibiya, Yaman,… qolo walba haddii ay awoodaan yaa dib noo celiya ayaa ay odhan lahaayeen.

Cali RC markii uu Ciraaq arrinteedii meel saaray, waxa uu sii watay qorshihii hore iyo in uu Mucaawiyah RC arrintiisa meel saaro. Dagaal ayaa la isugu soo baxay waxaana muddo la isku horfadhiyay Sifiin. waa la dagaallamay ilaa warammadii af beeleen, fallaadhihii dhammaadeen, seefihiina jajabeen. Sifiin dadkii labada dhinac iskaga dileen waxaa lagu qiyaasay toddobaatan kun (70, 000)—45 kun oo reer Shaam ah iyo 25 kun oo reer Ciraaq ah. 77 maalmood baa la isjafayay!

Camar ibnu Caas RC ayaa ku la taliyay Mucaawiyah RC in Cali uu u diro musxaf uguna yeedho kitaabka Alle. Cali waa uu oggolaaday in Kitaabka Alle loo xukuntamo. Waxaa lagu hishiiyay in Cali RC uu wakiisho qof ka masuul ah, Mucaawiyana sidoo kale. Labadaas qof ayaa ka fadhiisanaya go’aanna ka sameynayo wixii maslaxada Muslimiintu ku jirto.

Waxaa la isla gartay in Cali RC wakiisho qof ka masuul ah, Mucaawiyana sidaas oo kale yeelo. Labadan ayaa ka fadhiisanaya go’aanna ka gaadhaya wixii maslaxada Muslimiintu ku jirto, wixii ay gooyaan ayaana lagu go’aa.  Mucaawiyah RC waxa uu wakiishay Camr ibnul Caas RC, halka Cali RC ka wakiishay Cabdullaahi ibnu Cabbaas RC. Laakiin Cali waxaa ka diiday khawaarijtii Cusmaan dilay ee la socday. Waxa ay istaageen: cid aan Abuu Muusaa al-Ashcari RC ahayn ku qanci mayno. Abuu Muuse markii fidnadu qaraxday baa uu ka dhex baxay oo ka fogaaday, waxa ayna noqotay in la doono oo la soo kaxeeyo. Warqaddii labada wakiil markii in la qoro loo fadhiistay, waxaa dood ka dhalatay Cali waa amiirkii Mu’miniinta iyo haddii uu yahay miyaanu la dagaallami lahayn! Cali ayaa yidhi tirtira amiirul mu’miniin oo qora Cali ibnu Abii Daalib, isaga oo soo xusuustay heshiiskii Xudaybiyah. Heshiiskaa waxaa qorayay Cali RC oo markii ay Quraysh Nebiga SCW ku dhaheen kuuma aqoonsanin Rasuulkii Alle, waa tii Nebigu SCW Cali ku yidhi u beddel Muxammad ibnu Cabdullaahi, laakiin Cali diiday in uu tirtiro, ka dibna Nebigu SCW yidhi i tus anigaa tirtiraya e. 

Qoraalka nuxurkiisu waxa uu ahaa: in labada qaadi ku xukumi doonaan Kitaabka Alle, wixii ay xukunkiisa ka waayaanna ay sunnada Nebiga SCW ka eegi doonaan. Muddo ay go’aankoodii ku keenaan ayaana loo qabtay, sidii ayaana cid walba meeshii ay ka timid ugu noqotay.

Ciidankii Cali rag ka mid ahaa ayaa ka gadooday iyaga oo leh sidee ayaa aad xukunka diinta Alle rag gacanta ugu Cid :istaageen ay Waxa .)أتحكمـون يف ديـن اللـه الرجـال) !?galinaysaa aan Alle ahayn wax ma kala xukumi karto (لله إال حكم ال(. Ugu dambayn ku dhowaad labo iyo toban kun ayaa ka baxay ciidankiisi intii uusan gaadhin Kuufa, waxa ayna degeen meel la dhaho Xaruuraa’ iyaga oo diiddan in ay isaga meel la joogaan. Waa bixitaankii Khawaarijta.  

Cali RC waxa uu diray nin dadka u dhawaaqa oo u sheega in xufaadda Qur’aanku ay isugu yimaaddaan aqalkiisa. Markii daartii buuxsantay ayaa uu codsaday musxaf oo uu hortiisa dhigay waxa uuna bilaabay in uu la hadlo kitaabkii: Musxafyahow dadka la hadal! Dadkii baa qaar yidhaahdeen maxaa aad kala hadlaysaa waa khad warqad ku qoran e. Cali waxa uu yidhi: Alle ayaa kitaabkiisa ku leh haddii labo isqabta shaqaaqo dhex gasho, u saara garsoore dhanka qoyska ninka ah iyo mid dhanka qoyska naagta ah—haddii ay heshiis doonayaan Alle ayaa waafajin doona. Ummadda Maxamed SCW ayaa ka xurmad weyn nin iyo naag arrintood e (sidee ayaa ay iigu haysaan in aan oggolaaday dhexdhexaadin).

Waxa ay dhaheen Cid aan Alle ahayn wax ma kala xukumi karto.Sidoo kale waxa ay Cali ku heysteen sababta uu uga taanaasulay daarajada amiirnimada, laakiin Cali waxa uu yiri: Rasuulka Alle waxaa idiin ku sugan ku dayasho wanaagsan—ciddii Alle iyo maalinta aakhiro rejaynaysa. Waayoo Rasuulka ayaa tan horay u sameeyay Xudeybiyah. 

Cali waa ay gaaleysiiyeen oo asagoo khudbeynaya ayeey ku lahaayeen shirki ayaad waddaa oo Alle iyo rag baad diintii wadaajisay, xukunkana Alle keli ah ayaa iska leh.

Habeenkii dagaalka Khaybayrka horreeyay ayaa waxa uu Nebigu SCW yiri: “Berri calanka waxa aan siinayaa nin jecel Alle iyo Rasuulkiisa, Alle iyo Rasuulkiisuna ay jecel yihiin, isaga ayaana furaya Khaybar.” Cumar RC waxa uu yidhi: “Maalintaa oo keli ah ayaa aan jeclaystay madaxtinnimo.”

 

Kadib subaxdii ayaa uu Nebigu SCW calankii qaaday oo Cali RC ayuu u dhiibay, sidii ayaana Cali ku keenay guul oo qalcadihii Khaybar ee adkaa uu ku qabsaday. Khaybar kadib Cusmaan waxa uu hantidiisa ku iibiyay dhul si loo balaariyo masjidka. Caliga kawaarijtu ay gaaleysiinayaan waa Saaxaabigaas. Waa

saxaabigu nabigu ku yiri:  miyaadan raalli ka ahayn in aad ii joogtid halkii Haaruun u joogay Muuse—aan ka ahayn in aan nebi kale iga dambaynayn?

Cali marna ma gaaleysiin, shirki kuma eedayn, waxa uuna yidhi: masaajidda Alle idin ka hor istaagi mayno, dagaalna idin ku bilaabi mayno ilaa aad nagu bilowdaan.

Labo sano ka dib, sannadkii 40-aad bishii Ramadaan, habeen Jimce ah, ayaa ay ku sugeen masjidka dhexdiisa. Dadkii isaga oo salaaddii subax u toosinaya, ayaa ay weerareen. Cabduraxmaan ibnu Muljim ayaa isagoo dhaahya hadalkii khawaarijta ee Alle mooyee cid kale xukunka ma laha, adiga Cali ah iyo saaxiibbadaana ma laha, waxa uu seeftii ku dhuftay Cali RC. 3 ayeey aheeyeen. Mid baa fakaday, midna waa dhintay, Cabduraxmaan ibnu Muljimna waa la qabtay.

Cali oo dhaawac ah ayaa yir hadaan dhinto dila, hadii aan noolaadana anaa aqaan waxaan ku sameyn. Markiii Cali dhintay waxaa lagu aasay daartii imaarada cabsi laga qabo in khawaarijtu ay la baxaan meydkiisa owgeed.

Qaybtan oo aad u dheer qoraagu waxa uu ku gunaanadayaa;  Cali RC wuxuu islahaa ummaddu yaysan noqon tusbax furtay e, ku dedaal isu haynteeda dagaalna ha noqoto e. Laakiin ma suuroobin. Derbigii dumay dib uma dhismin daadkii ummadda qaadayna lama moosin, dhiiggiina sidii ayaa uu u qubanayaa. Dagaal Muslimiinta dhex maray, ilaa iyo hadda, oo sidii laga rabay laga gaadhay ma jiro. In dhiig Muslin qulqulo, hantidii burburto, la sii kala fogaado; nabad la’aan iyo nacayb baa laga dhaxlay. Bulsho Muslimiin ah oo xasilloon, si kasta oo wax uga qaldan yihiin, hadal iyo waano mooyaan e, hub la qaato, dagaal, iyo dhiig la daadiyaa xal keeni waaye. Waxaa la joogaa xilligii aynu taas ku baraarugi lahayn.

Hormada 3aad.  Kalmadda Laa illaaha illallaah 

“Kabbashada cilmiga gaaban waa lagu kadeedmaaye.” 

—Muuse Cali Faruur

Qaybtan qoraagu waxa uu xoogga saarayaa kelmedda Laa illaaha illallaah, wuxuuna soo qaadanayaa dhacdooyin badan oo taariikhda ku sugnaaday.

  Laa ilaaha illallaah ma aha wax sahlan. Nebigu SCW waxa uu yidhi: qofkii yidhaahda laa ilaaha illallaah, maalin uun baa ay anfacaysaa.

Buugga waxa ku jirta qisooyin cajiib ah oo xidhiidh la leh weynida kelmeda  Laa ilaaha illallaah. Haddaan hal iyo laba ka  soo qaadano qisooyinka buugga ku jira wax aka mida;

Dhacdadii  Al-Miqdaad ibnul Aswad waxaa jirtay mar muslimiintu ay dagaal galeen kadibna ay qabteen nin. Ninku muslim ayuu ahaa laakiin qaraabadiisa ayuu iska qarinayay. Markii uu arkay ciidanka  muslimiinta ayuu ashahaatay. laakiin waxaa dilay al-Miqdaad ibnul Aswad.  Kadib ayaa arinkii nabiga gaaray. Markaas ayaa nabigu SCW yiri Miqdaadoow ma waxa aad dishay nin dhahaya laa ilaaha illallaah? Sideed berri ka yeeli laa ilaaha illallaah?! mar kale ayaa Miqdaad uu Nebiga SCW weydiiyay: —Rasuulkii Allow, haddii aan la kulmo gaal oo aan dagaallanno, oo inta uu gacanta seef igaga dhufto uu jaro, dabadeedna inta uu geed ku gabbaddo uu yidhaahdo waa aan islaamay, ma dilayaa ka dib marka uu intaa yidhi? Nebigu SCW waxa uu yidhi:   Ha dilin. Rasuulkii Allow, gacmahaygii baa uu mid gooyay, ka dibna sidaas ayaa uu yidhi, ma dilayaa? Ha dilin. Haddii aad dishid, isagu waxa uu joogaa meeshii aad joogtay intii aadan dilin ka hor, adiguna waxa aad joogtaa meeshii uu joogay intii uusan weedhiisaa odhan.

Usaamah ibnu Sayd ibnu Xaarithah, alxib ibnul xib, waxa uu ka mid ahaa saxaabadii badnayd ee aan ka qaybqaadan fidnadii qaraxday. Usaama waxa uu ka tirsanaa ahlu baydka, oo aabbihii waa Sayd oo Nebiga SCW ayaa korsaday, Islaamka ka horna la odhan jiray Sayd ibnu Muxammad. Cali RC ayaa weydiiyay sababta uusan u taageerin ee uusan dagaalka dhankiisa uga galin. Usaama waxa uu yidhi: Caliyoow haddii aad libaax afkii gasho in aan kula galaan jeclaan lahaa, si aan u wada dhimanno ama u wada noolaanno, laakiin arrinkan socdaa ma aha mid aan galayo waana aad og tahay in aan Nebiga SCW ugu dhaartay in aanan la dagaallamin qof dambe oo dhahaya Laa ilaaha illallaah, waadna og tahay wixii uu igu yidhi Rasuulkii Alle SCW.

 Nebigu SCW waxa uu yidhi;  qofka tukada ee Ahlu Qiblada ah, wixii ay Muslimiintu qalaanna cuna, qofkaasi waa Muslin Alle iyo Rasuulkiisa ku leh dimmo (ballan iyo nabadgalyo), ee ha ku dhagarfalina dimmadiisa—ayaa uu yidhi Nebigu SCW. َِّه ِ ُم ِ الذي له ذَّمُة الل ََنا فَ َذلك املُ ْسل ََنا، وأَ َ كَلَ ذِب َ يحت َت ْل َ ِلَ قب َ ْقب ََّه ِ يف ذَّمِتِه. َم َن ص َلَّ صلَ تََن ْ ا و

Xadiis kale waxaa uu Nebigu SCW ku sheegay in qofku diintiisa meel fiican oo waasac ah ka joogo inta uusan daadin dhiig xaaraan ah. اما. ً َ ا حر دًم َ ُِص ْب َ ََزَال املُ ْؤِم ُن يف فُ ْس َحٍة ِ م ِن د ِينِه، ما لَ ْم ي لَ ْن ي 

Qofku marka uu dhagartaa galo ayaa dhulku u dhaqdhaqaaqayaa oo uu cidhiidhi iyo isku buuq galayaa. Maalinta Qiyaamana waxa ugu horreeya ee dadka loo kala xaqayaa waa dhiigga.



Hormada 4aad. Tusbax furmay.
          “Nin walaalkii geed ugu jiraa, geesi noqon waaye”

 Dilkii Cusmaan RC waxa uu jabiyay dayrkii fidnada hubkaa Muslimiintu isu qaateen iyo dhiiggaa dhexdooda ay iska daadinayaanna joogsan maayaan. Fidnada dhexdooda ahna dhammaan mayso. Muslimiin hub isu qaatay oo yoolkii ay rabeen gaadhayna lama hayo e, maalmo markii la nastaba dhibaato hor leh ayaa qaraxda. Taasina ma aha wax iska dhacay e, Nebiga SCW ayaa hore uga sii digay, oo saxaabada u sii sheegay. Balaayadu daaman la qabtay leedahaye dabo la qabto ma laha.

Dilkii Cusmaan RC waxa uu noqday marxalad kalawareeg. Wixii ka dambeeyayna ummaddu guud ahaan xilli fidno iyo kalaqaybsanaan ayaa ay ku sugnayd. Xudayfah RC waxa uu leeyahay: dadku waxa ay Rasuulka  SCW weydiin jireen khayrka, aniguna waxa aan weydiin jiray sharka, aniga oo ka cabsanaya in uu i haleelo.  Waxa uu yidhi: Rasuulkii Allow, waxa aan ku jirnay jaahiliyo iyo shar, ka dibna khayrkan baa Alle noo keenay, ee khayrkan shar ma ka dambayn doonaa? —Haa. —Sharkaana khayr ma ka dambayn doonaa? —Haa, laakiin ma dhammaystirna oo waa uu kala dhantaalan yahay…………Ugu tag buugga bogga (71-73) 

Nebigu SCW waxa uu Xudayfa u sheegay in khayr jirayo laakiin uusan sidii hore ahayn e uu kala dhantaalnaan doono. Laf jabtay sideedii ma noqoto. Dhimaalkaas iyo kala dhantaalnaantaas waa in lagu xisaabtamaa.

Nebiga SCW ayaa maalin salaaddii ku dheeraaday, markii ay saxaabadii warsadeenna waxa uu u sheegay in uu Alle weydiistay saddex arrimood, oo labo loo oggolaaday midna loo diiday.  Wax uu yidhi: waxa  la ii  oggolaaday in aan ummaddani ku halaagsamin aafo dabiici ah (sida abaar iyo wax la mid ah) iyo in aan Alle ku sallidin cadow dibadda kaga yimaadda oo baabi’iya. Laakiin markii uu weydiistay in Alle ka badbaadiyo dhib dhexdooda ah, waa loo diiday.  Nebigu SCW waxa uu raaciyay in marka ay ummaddani seefta isu qaadato, ee ay dhexdooda islaayaan, aysan joogsanayn ilaa Qiyaamaha.

Nimanka dhibta intaa leeg geystay ee KHAWAARIIJTA waxa innoo sii sheegay nebigeenna innay soo bixidoonaan. Nebiguna SCW tilmaamihii uu Khawaarijta ka sheegay waxaa ku jirtay in ay yihiin maangaabyo aqoon yar. Ma qof aqoon fiican leh baa Cusmaan RC iyo Cali RC sidaa ula dhaqmi lahaa ama gaalo ku sheegi lahaa! 

Diintu waxa ay u baahan tahay rabitaan iyo qanacsanaan.  Caa’isha RC waxa ay leedahay: Qur’aankii ugu horreeyay ee soo degay waxa uu ahaa suurado gaagaaban oo ka hadlayay Jannada iyo Naarta, ilaa ay dadkii ka qaateen Islaamka, ka dibna waxaa soo degay aayadihii xalaasha iyo xaaraanta.
Jundub ibnu Cabdillaah RC waxa uu leeyahay: Nebiga SCW ayaa aanu la joognay annaga oo ah kurayo aan qaangaadhin, waxa aanuna barannay iimaanka ka hor intii aannan baran Qur’aanka, dabadeedna Qur’aankii ayaa aan barannay oo aan iimaan ka kororsannay.

Hormada 5aad. Ooda dhacameed;

“Waraabaha ku ruugaaya iyo, aar ku raamsanaya Sidday kuugu kala roon yihiin, maad u kala reebtid Ninkii rodolna miisaama ee, kiilo raajiciya Ee raasamaalkuu helaa, rubuc ka hooseeyo Xisaabtaa inuu dib u rogrogo, sow ra’yigu ma aha? —Dhoodaan: Jilbo Riiq.

Qaybtan shanaad oo ah qaybta ugu dambaysa waxa uu qoraagu aad ugu dul istaagayaa cid awooda u leh innay cid gaalaysiiso, innay xad oogto, isku xukunka shareecada islaamk, maamulada Soomaalida iy shareecada islaamka iyo qaar kale oo badan. Qaybo yar oo kamida an dul istaagno; 

In qofka loo xukumo Islaamnimo, waxa ay ku xidhan tahay in uu la yimaaddo wixii Muslim ka dhigayay. In laga waayana waxa ay siinaysaa xukun kale oo ah gaalnimo. Labadaa xukun ee Islaamnimo iyo gaalnimo waxa ay wataan axkaam kale oo dabo socda.  Qaadi sharci ah iyo guddi culamo uun baa go’aankaa loo dabo fadhiisan karaa.
Halkaa waxaan ka dhadhansanaynaa innaan sheekh meel iska jooggaa cid si fudud ku gaalaysiin Karin, illaa laga shiro oo la qiimeeyo mooyaane. 

“Haddaad ka mid tahay dad safar ah oo habeen meel xeeb ah seexday, oo iyagoo hurda baddii ku soo dhawaatay, oo aad adigu ugu hor toostay, ha qaylin ee tartiib dadka u toosi. Qayladu inay ka nixiso oo ay badda ku yaacaan ayaa dhici karta.

Haddaad isu qabto inaad adigu heshay hanuun diimeed oo dadku ka hurdaan, ama maanfurnaan iyo ilbaxnimo dadkii kale ka gaabiyeen, fadlan ha nagu qaylin. Inaan meel qaldan u boodno ayaa laga yaabaa ee bal wax na fahamsiiya. Xoogaa waa dhega nugul nahay, laakiin yaan afarta jiho nalooka qaylin.” 

Buugaan intaa ayaan ku dhaafayna si aanan ugu talaxtegin maadaama aynu soo kobayney nuxurka iyo fariinta qaaliga ah ee uu buuggani xambaarsan yahay. 

Warba waxa uu ku dhan yahay; 

“Nin walaalkii haanka ugu riday hoog Allaa badaye, Hareertaada oo qaawan baa lagu haweeystaaye.” —Cali Cilmi Afyare.

Dhammaad.

                         Soo koobidii 

                      Muuse Maxamed ………………………………………………………………………….

                      Bilaal Axmed Cige. ………………………………………………………………………..

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *